Garadagnews.com
Warbxin” Dhibaatooyinka Shirkadaha Macdantu Ku Hayaan Deegaanka iyo Dadka Reer Fiqi Ayuub, Togdheer.
October 31, 2019 - Written by garadag garadag

 

 

Noloshaadu waxay ku xidhan tahay ilaalinta iyo faya dhowrka deegaanka

(Your life depends on the protection and well-being of the environment around you)

Salah Bulale Qodah

Stockholm, Sweden

September, 2019

 

Hordhac

 

Macluumaadka qoraalkani wuxuu ku saabsan yahay warbixin kooban oo aan kaga hadlaayo deegaannada u dhaxeeya Saraar ilaa bad ama Saraar ilaa karin, waxaanan adeegsan doonaa dhowr jeer ereyga Reer Fiqi-ayuub maadama Fiqi-ayuub ay wada degaan dadka ku nool Saraar ilaa Karin(bada-cas). Sannadihii u dambeeyey laga soo bilaabo 2014 waxay qurba-jooga degaankani xooga saareen sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen horumarinta iyagoo kaashanaya lana shaqeynaya dadka deegaanadan degan oo inta badan rayi’gu ka imanaayey. Horumarinta uu qurba-joogu ka qeyb qaatey ee deegaanada laga hirgeliyey waxaa ka mid ah adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo ilaalinta deegaanka. Had iyo jeer ama sannad kasta qurba-joogu waxay booqasho ku tagaan deegaanadan iyagoo la kulmaya mas’uuliyiinta deegaanadan iyo dadweynahaba si looga wada hadlo harumarintii socotey iyo caqabadaha jira. Qurba joogu waxay saameyn xoog leh ku leeyihiin dhamaanba dhaqdhaqaaqyada ka dhex jira bulshada dhexdeeda noocay doonto ha noqotee, tusaale ahaan dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada. Sidaa awgeed, anigoo ah Saalax Bulaale Qodax oo wakiil ka ah qurba-jooga ayaan booqasho ku tegey bishii August 2019 deegaanada kor ku xusan. Booqashadani waxay ku timid, ka dib markii ay shirar iyo wada-tashi yeesheen qurbajoogu ayey go’aansadeen in qof loo diro deegaanadan oo cabasho ka soo yeedhey. Hadaba, anigoo sidaa uga wakiil ah qurba-jooga ayaa lay xilsaarey inaan ka hawl galo arrimahan hoos ku xusan:

  1. Deegaanadan waxaa ka socdey sannadahaba nabaad guur xoog leh, ka dib markii dhulkani noqdey hoy dhuxuleysato. Dhuxuleysatadan oo gumaad ba’an ku haysa dhirtii ilaahey dhulkan ku abuurey gaar ahaan geedka galoolka oo runtii ah geed aad u qiima badan. Waxaa lagama maarmaan loo arkey in la sameeyo wacyi-gelin dadweyne, iyadoo la qabanayo seminaaro iyo workshops si loo joojiyo dabargoynta dhirta iyo baabi’inta deegaanka. Markaa howsha safarkayga waxaa qeyb ka ahaa in seminaar lagu qabto Fiqi-ayuub.

  2. In aan warbixin macluumaad sugan leh ka keeno shirkadaha Chines-ka ee macdanta Jade la yidhaahdo ka qota buuraha Fiqi-ayuub oo loo yaqaano Sirgo iyo Goodirood. Dad badan oo degaankan ku nool ayaa qurba-jooga ku wargeliyey in shirkadahani dhibaato ku hayaan degaanka iyo iyagoo ka baxay balan-qaadyadii horumarineed ee ay balan-qaadeen intaan mashaariicdan la bilaabin dawladuna markhaati ka ahayd.

  3. In aan xog ururin ka keeno nolosha iyo waayaha dadku ku nool yihiin lana kulmo odayaasha, cuqaasha, salaadiinta, mas’uuliyiinta dawladda iyo dadweynaha.

Hadaba, maadama lay xilsaarey qodobada kor ku xusan, waxaan qoraalkan ku soo koobaya waxyaabihii iiga hirgalay. Xogta aan qoraalka ku sheegi doonaa waa mid run ah oo ah itus oo ii taabsii ah oo aan mala-awaal ahayn, waxaana sal u ah wixii aan indhaheyga ku soo arkey iyo warbixinada aan ka helaayey dadweynaha, waxgaradka cuqaasha iyo mas’uuliyiinta.

 

Deegaanka iyo duruufaha ku gadaaman

Dhulkan aan ka sheekaynayo oo u dhexeeya Saraar ilaa bad waa deegaan aad u baalaadhan oo qiyaas ahaan bedkiisu dhan yahay 75 000 km², dadka ku noolina 94% waa reer baadiye xoola dhaqata ah, sida caadiga ah nololshooduna waxay si toos ah ugu xidhan tahay manaafacaadka ka soo baxa neefka xoolaha ah. Marka la qiimeynayo bay’addan ama deegaankan waxaad arkeysaa in dhulku isugu jiro bannaan iyo buuro oo aad arkeyso astaamaha barwaaqada, sida togagga biyahu ka socdaan, dhirta noocyadeeda kala duwan iyo noocyada kala duwan ee dhagxaanta. Waxaa muuqanaya sida ilaahey nolol miisaaman oo dadeeci ah dhulkan u dhigey gaar ahaan xiliyada gu’ga iyo deyrta. Nasiib daro, mandaqaddan sidaa barwaaqada u ah lagama faa’iideysan marka laga reebo reer baadiyaha xoolaha ku raacda mooyaane. Guud ahaan deegaankani waa ka xidhan yahay adduunyada inteeda badan iyo dalkaba, taasina waxay sabab u noqotey in dadku ay ku noolaadan mandaqad go’doonsan iyagoo aan helin xaquuqdii iyo sedkii ay ku lahaayeen waddanka, dawladihii kala dambeeyeyna kama hirgelin adeeg wax ku ool ah marka laga reebo wax faro guudkood ah oo magac u yaal noqdey. Waxaa guud ahaanba waxaa meesha ka maqan adeeggii aasaasiga ahaa ee bulshadu u baahneyd sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iwm. Hay’adihii dawliga ahaa ee ka hawl geli lahaana waxay noqdeen kuwo aan gaadhsiin wax adeeg ah deegaanka, waxaana la odhan karaa mandaqaddan kamaba tirsana dalkan ay ku dhextaalo. Intaas waxaa u sii dheer dhibaatada joogtada ah ee lagu hayo deegaanka iyo dhulka sidaa barwaaqda u ah. Waxaa yaab ah in keymihii iyo dhirtii ilaahey dhulkan si dibiici ah ugu beerey oo la gumaadayo iyagoo inta la jaro laga dhigayo dhuxul. Maalin walba waxaa degaankan ka soo baxa ugu yaraan 3 gaadhi oo xamuul ah kuwaas oo ku raran jawaano dhuxul ah. Dadka dhirta jaraya ee dhuxusha ka dhigaya waa dadkii dhulka deganaa ee ay xoolahoodu ku noolaayeen. Geedka galoolka ahi waa geed aad qiimo u leh, noloshana wax weyn ka tara laakiin nasiib darro waxaa loo quudhey in la jaro oo la dhuxuleeyo. Hadii sidaa lagu wado oo aan degdeg wax looga qaban, deegaankani mustaqbalka dhow wuxuu isu bedeli doonaa lama degaan aan nololi ka suuroobin.

Macdanta Fiqi-ayuub iyo Qadoodiga shacabka

Macdanta iyo shirkadaha

 

Mudo dheer ayaa la hadal hayey in buuraha loo yaqaano casharaareed ee ku teedsan Fiqi-ayuub in macdano kala duwani ka buuxaan, xitaa suldaan Cali Muuse oo ahaa Suldaanka guud ee beesha degaanka degta ayaa dadweynaha u sheegey in dhulkan macdan iyo kheyraad laga heli doono oo daaro dheedheer laga dhisi doono mustaqbalka dhimashadeyda kadib. Nasiib wanaag, dhowr sano ka hor ayaa waxaa degmadan laga heley dhagaxa loo yaqaano Jade-ka (jeedhka), dhagaxaas oo ka mid ah noocyada macdanaha aduunyada laga isticmaalo gaar ahaan waddamada Aasiya ku yaala oo inta badan u isticmaala quruxda iyo shaydaan xijaabka. Waxaa xaga hoose ku sharaxi doona waxa uu yahay Jade-ka, qiimahiisa iyo waxyaalaha loo isticmaalo.

Hadaba, muddo laga joogo sanad ayaa wasaarada macdanta iyo tamarta ogolaansho ama liisano siisey shirkado ganacsi si ay dhagaxaa Jade-ka ugala soo baxaan buuraha Fiqi-ayuub. Shirkadahaa waxay kala ahaayeen 2 Chines ah iyo shirkad nin Somalilander ah leeyahay. Wasaarada macdanta iyo waayeelka degaanka sida cuuqaasha, xildhibaanada, waxgaradka iyo aqoonyahanada ayaa shirar badan wada galey kana doodey faa’iidada iyo qaasaraha soo saarida Jade-kan. Waxaa kaloo aad looga wada hadley ilaalinta degaanka iyo xayawaanka. Dadweynuhu aad bay dawlada iyo shirkadahaba u soo dhoweeyeen ka dib markii wasiirka wasaarada macdantu mudane Jaamac uu balan qaadey in degaanka la ilaalin doono, horumar muuqdana laga sameyn doono degaamadan laga soo saarayo macdanta, gaar ahaana awooda la saari doono horumarinta adeega bulshada iyo kaabayaasha shaqaalaha (infrastructures and social services) sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, laydhadhka iyo wadooyinka. Maadama Qurba-joogu markii horeba ka shaqeynayeen horumarinta adeegyada bulshada aad bay taageero weyn ugu muujiyeen horumarintaa la balanqaadey, dadka degaankana waxay kula taliyeen in ay soo dhoweeyaan shirkadaha oo la shaqeeyaan maadama dawladii damaanad qaadey horumarintii adeega bulshada iyo ilaalinta degaankaba. Wasiirka wuxuu dadweynaha ugu bushaareeyey isagoo dadweynaha reer Fiqi-ayuub u khudbadeynaya in shirkadaha iyo dawlada kalsooni ku qabaan, wuxuuna yidhi wasiirku ”dhowaana waxaad arki doontaan dhulkan oo wada laydhanaya, dadku wada shaqeynayo, dhaqaaluhuna kor u kici doono oo malayiin doolar soo geli doono magaaladan”.

Balse mudadii sanadka ahayd ee shirkaduhu buuraha degeen, bilaabeena soo saarida macdanta Jade-ka waxaa qurba-jooga soo gaadhayey cabashooyin isdaba-joog ah oo ku saabsan in aan horumarinta adeega bulshada ee la balanqaadey waxba laga qaban, degaankiina lagu xadgudbayo iyadoo lagu daadinayo qashin iyo aalad kimika ah oo aan la garaneyn, reer baadiyuhuna xoolahooda iyo naftoodaba ka werwerayaan.

Anigoo ka duulaya qeyladhaankaa na soo gaadhey, ayaan bilaabey in aan la kulmo bulshada qeybaheeda kala duwan si aan u helo xog-sugan oo run ah. Dadweynihii aan la kulmayey waxay saluug xoogan iyo werwer ka muujiyeen in gacan madhnaanka taagan yihiin horumarkii uu wasiirku macdantu balanqaadey bilowgii mashruuca macdanta, buurtiina la guranayo oo dan iyo heela toona laga lahayn dad, deegaan iyo xoolaba. Dadka degaanku waxba kalama socdaan, cidina uma sheegto qorshaha wax soo saar ee shirkaduhu ka sameeyaan buurta, xitaa wasaarada macdantu wakiilo uma joogaan goobaha dhagaxa Jade-ka laga qodaayo, waxayna u egtahay in shirkadaha Chineska faraha looga qaadey qodida buuraha oo waxay doonaan ku sameeyaan karaan, waxay doonaana kala bixi karaan, waxaana hoos u dhacey kalsoonidii iyo taageeridii dadweynuhu u muujiyeen shirkadaha iyo wasaarada macdanta oo wasiirku horboodayey. Taas waxaa ka sii daran in shirkadaha Chines-ka ah ay isticmaalayaan maadooyin kemikaal ah oo aan dadka degaanku aqoon u lahayn habayaraatee, shirkaduhuna macluumaad kama siiyaan dadka degaanka ku nool nooca kimikadan la isticmaalayo ee dhagaxa lagu qarxinayo. Taasina waxay noqotey werwer hor leh oo dadku isweydiinayaan dhibteeda, waxaana aad looga deyrinayaa in dhul-daaqsimeedkii aad loo burburinayo oo haba yaraatee aaney jirin cid shirkadaha ka ilaalineysa khaladaadkooda. Wasaarada macadantu wax xafiis ah degaanka guud ahaanba kuma laha, marka laga reebo nin Burco jooga oo isuduwe ku magacaaban iyo nin Mursal la yidhaahdo oo isaguna lugeeya. Waayeelka degaanku waxay ii sheegeen in dhowr jeer la xidhiidheen wasaarada macdanta cabashadoodana u gudbiyeen laakiin aan wax jawaab ah lagu soo celin. Halkaas waxaa ka dhashey tuhun ah in mas’uuliyadba la iska saarin balanqaadyadii dadka hortooda laga balan-qaadey bilowgii mashruucan macdanta, ujeedaduna ahayd dejinta iyo hoosaasin. Markaas ka dibna qoliwaliba sidey doonto u daneysatey hadey shirkado noqon lahayd iyo hadey maamul noqon lahaydba.

Markaan dhegeystey cabashadii dadka iyo waayeelkaba waxaa muuqatey in dhibaato xoogani degaanka ka jirto, loona baahan yahay in la tago goobaha shaqadu ka socoto. Si aan shirkadahan wax uga ogaano, waxaa gudiga degmadu direen 3 nin oo gudiga magaalada Fiqi-ayuub ka mid ah waxayna kala ahaayeen Axmed Yusuf Ducaale, Ismaaciil Jibriil Aadan, Faarax Dirir Cilmi, mayorkii degmada iyo anigoo raacey. Waxaan safar ku tagney kaamamkii shirkadaha iyo aagagii ay Jadeka ka qodayeen, anagoo dooneyney inaan goob kasta tagno, xog-sugana ka keeno. Ragan ila socdey sidaan sheegey waxaa igu darey dadweynihii magaalada si ay indhahooda ugu soo arkaan waxyaabaha ay shirkadahani sameynayaan, waxayna haysteen wakiilnamadii dadweynaha.

Ka dibna waxaan kaa dhaadhacney buurta Laas-macaan ee toga Cilaan-bidoole oo laba shirkadood kaamam ku leeyihiin. Togan aad buu nolosha reer baadiyaha mihiim ugu yahay waayo waxaa ku yaala dhul daaqsimeed xooluhu ku badbadaan xili abaareedka sida jilaalka oo kale. Cilaan-bidoole waxaa ku yaal ceel ay dadku iyo xooluhuba ka cabaan oo loo yaqaan ”Laas-macaan”. Sidaan kor ku sheegey, isla togan waxaa laga sameeyey labada kaam ee ay leeyihiin shirkadaha macdantu. Shirkadaha degan degaankani waxay macdanta Jadeka ka qotaan buurta la yidhaahdo ”Sirgo”. Sirgo waa buur ku taala waqooyiga galbeed ee Fiqi-ayuub, waxayna magaalada u jirta qiyaastii 4–5 km. Buurtan waxaa loo qeybiyey labadaa shirkadood ee degan togan si ay uga qotaan macdanta Jade-ka. Aniga, gudigii iyo mayorkiiba waxaanu mid mid u tagney, una dul istaagney kaamamkii shirkadaha si aanu gudano howlihii aanu u soconey, waxaanuna kala kulaney waxyaalaha hoos ku qoran:

 

Kaam 1 Khayrad mining company ” Ina Madaxyar ”.

 

Sida naloo sheegey kaamkan waxaa iska lahaa shirkad uu leeyahay nin la yidhaahdo Siciid Madaxyar oo loogu magac darey “kaamka ina Madaxyar”, waana nin laga yaqaano degaankan oo ka soo jeeda degmada Gebo-gebo oo 30 km u jirta Fiqi-ayuub.

Kaamkaas oo aanu ku soo wareegney guud ahaantii wax shaqo ah oo ka socotey ma jirin, waxaa joogey oo keliya waardiyayaal, waxayna noo sheegeen inaan wax shaqo ahi ka socon hada haba-yaratee. Markaan hoos u wareystey sababtana, waxaa igu soo duuley inaan shirkadan haysan dhaqaale ay howsha ku dhaqaajiso laakiin shirkadani sida la ii sheegey degaanka ayey is-fahmeen bilowgii ay soo degteyba. Shirkadani waa shirkada bixisey wadada aanu mareyney inskastoo ay khatar weyn ahayd waayo waa haad keliya oo malaha meel ay laba baabuur isku dhaafi karaan, waana wado jar ka laalada oo khatarteeda leh.

waxayna ahayd in wadadan si fiican loo sameeyo dawladuna ka eegto shirkada hadey heshiis kula galeen. Hadii wadadan aan dhaqso wax looga qaban halisteeda ayey leedahay dadka iyo gaadiidkuba halis ayey ku sugan yihiin. Waxaa la ii sheegey in abaartii laga soo doogey ee kal hore shirkadani reer baadiyaha ugu deeqdey booyado biyo ah iyo gaadhi xaajiyad ah oo aad duug u ah hadeerna yaala Fiqi-ayuub, waana waxtarka qudha ee dadka soo gaadhey. Khayrad mining company mudo ayey ka shaqeysan jirtey degaankan iyadaana ugu soo horeysay shirkadaha kale, Jade-kana ka heshey buurta Sirgo sida warka igu soo gaadhey. Waxaa in mudo ahba isku haystey qodoshada macdanta Sirgo laba shirkadood ee kala ah Khayrad mining company iyo Afrikan mining company, ka dibna wasiirka macadanta mudane Jaamac ayaa u kala qeybiyey oo midba god buurta ka siiyey.

Shirkadan Khayraad mining company xafiis ayey bilowgii ka furatey degmada Fiqi-ayuub oo magaceedu ku qoran yahay laakiin waxaa la ii sheegey inaan weligii xafiiskan laga howl gelin shirkadaha kalena la mid yihiin, oo shirkadaha dhana xafiisyadoodii xidhan yihiin, xitaa kiradii iskameey bixin waa lagu leeyahay sideey ii sheegeen mulkiilayaashii guryaha. Heshiisyada shirkadaha lala galey ayaa dhigaayey in shirkadaha macdantu guryo xafiisyo ka dhigtaan ka kireystaan Fiqi-ayuub, shaqaale ka shaqeeyana degmada ka qortaan si dakhli u soo galo degmada. Laakiin waxaad moodaa in xafiisyada loo furey oo keliya magac ahaan si dadka been loogu qanciyo, dadkuna xafiisyadan waxay u bixiyeen “Waraabe u taag” micnaheeda yahay (Humaag been ah).

 

Kaamka 2aad African mining company “Ina Talantali “.

Kaamkan waxaa degan shirkad Chines ah oo aan haybteeda la aqoon laakiin la yidhaahdo (African mining company), waxaana horbaadaya nin la yidhaahdo” Ina Talantaali” isna degaankan ka soo jeeda, waxaa la igu yidhi shirkada ayuu kafiil ka yahay, dadka qaarna waxay leeyihiin waa shaqaale. Shirkadani markey buurahan timid aad bay dadku uga hor yimaadeen sababa la xidhiidha lahaanshaha awgeed iyo iyadoo iska soo degtey buuraha iyadoo aan degaanka iyo maamulkuba ka warheyn laakiin waxaad moodeysay in gacan mas’uuliyiin dawladeed ku jirto oo aad dabada uga riixiyey shirkadan, marka la barbar dhigo shirkadaha kale, dadka qaarna waxay sheegayaan in mas’uuliyiin dhowr ahi oo ay magacaabeen saami ku leeyihiin.

Markii aanu tagney kaamkan Shaqo ayaa ka socotey, shaqaalihii iyo Chineskii buurta ayey saarnaayeen oo shaqo buurjebin ayey ku mashquulsanaayeen. Waxaa isku deyney inaan aragno mas’uuliyiintii kaamka laakiin waxaa nalaku yidhi maamulkii iyo madaxdii waxay ku maqnaayeen Hargeysa, nalooma sheegin in shirkadani isticmaasho Kemikaal ay dhagxaanta ku qarxiso ama ku jebiso. kaamka shirkadani wuxuu saaran yahay qarka toga Cilaanbidoole oo biyo mareen ah oo dadka iyo xooluhuba ka cabaan. Nasiib daro, waxaanu ku aragney quraarado (dhalooyin) aad u badan oo buux dhaafiyey togii biyuhu marayeen. Markaan baadhney waxaa noo cadaatey in quraaradahan Khamri laga cabey ka dibna ogaan loogu tuurey toga iyadoo texgelin iyo ixtriraan toona la siinen dadkii iyo duunyadii dhulka loogu yimi ee kheyraadkooda la guranaayey.

Quraaradaha kor ku xusan intooda badani waa jajaban yihiin, waxayna daadsan yihiin dhuuxa oo aad u nadiif ahaa intaan shirkadani degin. Quraaradahan iyo faliidhkooduba waxay halis ku yihiin dadka iyo xoolaha, hadii roobku da’ona daadka ayaa qaadaya oo taga raacinaya oo mandaqadoo dhan ayaa khatar geleysa markaas. Dadkii reer baadiyaha ahaa een la kulaney aad iyo aad ayey cabasho uga muujiyeen arintan khatarta ah. Waxaanu isku daynay in aan helno cid mas’uul ah oo aanu dhacdadan kala hadalno waanuna weyney waayo kaamka maamulkiisi wuu maqnaa. Waxaa halkaas ka cad in nimanka Chineska ee shirkadan u shaqeeya aaney dan iyo heelatoona ka lahayn dhaqanka iyo diinta oo ay sideey doonaan yeelayaan maadama cidiba ka joojineyn anshax xumada ay dhulka la yimaadeen, waxaana suurtagal ah inaan macluumaad ku saabsan dadka iyo diintaba aan la siin markey dalka imanayeen. Sida caadada ah, hadii shirkad ajnabi ahi dal timaado waxaa la siiyaa warbixin wacyi gelin ah oo buuxda oo ku saabsan dhaqanka, diinta iwm dhulka ay ka shaqeynayaan waana in ay ixtiraamayaan.

Please follow and like us:
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews