Garadagnews.com
Saleban Cali Koore Wasiirka Biyaha Oo Laascaanood Kaga Farxiyay Biyo Gelin Guri Kasta Iyo Qorshayaasha Wasaaradu Ku Waraabinayso Bulshada Somaliland
April 18, 2019 - Written by garadag garadag

Laascaanood (GN) Wasiirka Khayraadka Biyaha Saleebaan Cali Koore Ayaa Maanta Si Balaadhan Loogu Soo Dhoweeyey Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool Waxaana Kaga Hortagay Deegaanka Guumays Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Sool Oo Ay Ugu Horeeyaan Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe,Maayarka Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale,Xildhibaano,Cuqaal,Waxgarad,Haween Iyo Dhalinyarao Ruxayay Calanka Dalka Iyo Caleemo Qoyan

Saleban Cali Koore Wasiirka Biyaha Oo Laascaanood Kaga Farxiyay Biyo Gelin Guri Kasta Iyo Qorshayaasha Wasaaradu Ku Waraabinayso Bulshada Somaliland
Saleban Cali Koore Wasiirka Biyaha Oo Laascaanood Kaga Farxiyay Biyo Gelin Guri Kasta Iyo Qorshayaasha Wasaaradu Ku Waraabinayso Bulshada Somaliland

   

Xildhibaan Fahiima Quuje Oo Madasha Ka Hadashay Ayaa Tidhi

“ Waa Maalin Farxad Leh Waa Maalin Khayr Qabta Oo Raxmaadkii Inoo Curtay.Wasiirka Socdaalkiisa Iyo In Ilaahay Roob Khayr Qaba Isku Beego Aamiin Inoo Dhaha “

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Gudoomiyaha Gobolka Sool Ayaa Isaguna Waxaa Uu Wasiirka Kusoo Dhoweeyey In Deegaanka Iyo Gobolkaba Amaankiisu Sugan Yahay Waxaana Uu Yidhi

“ Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Iyo Marti Sharafta La Socota Waxaan Kuleenahay Mudanayaal Kusoo Dhowaada Gobolka Sool Oo Mudane Wasiir Kusoo Dhowoow Gobolkaagii Oo Aad Amaankiisa Iyo Horumarkiisaba Og Tahay Waanad Aragtaa Bulshadii Gobolka Sool Oo Dhamaystiran Oo Aan Cidina Ka Maqnayn Baa Kuu Taagan “

Maayarka Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale Ayaa Soo Dhoweyn Ka Bacdi Waxaa Uu Wasiirka U Sheegay In Deegaanka Ay Ka Taagan Tahay Abaaro Iyo Biyo La’aan Baahsan Waxaana Uu Yidhi

“ Halkan Aan Taaganahay Waa Duleedka Magaalada Laascaanood Waxaana Laascaanood Nagu Soo Booqday Wefti Balaadhan Oo Uu Hor Kacaayo Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaha Somaliland Saleban Cali Koore ,Mudane Wasiir Kolay Xaalada Abaareed Iyo Biyo La’aaneed Ee Deegaanka Ka Taagan Waa Mid Aad Iyo Aad U Adag “

“ Waxaan Uga Mahadnaqayaa Bulsho Weynta Gobolka Sool Gaar Ahaana Degmada Laascaanood Sida Diiran Ee Kalgacalka Leh Ee Milgaha Leh Ee Sharafta Leh Ee Ixtiraamka Leh Ee Ay Noosoo Dhoweeyeen Waxayna Na Tusaysaa In Dadkayaga Iyo Umada Aanu Kazoo Jeednaa Iyo Shucuubtayadu Ay Yihiin Dad Sharaf Iyo Karaamoba Leh “

“Waxaan Kaloo Idiin Sheegayaa Ka Xukuumad Ahaan Inaan Ku Dhawaaqo Maanta In Degmada Laascaanood La Gelin Doono Lacag Horudhac Ah Oo Aanu Uga Qorshaynay Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee SDF Isla Markaana Gaadhaysa 5 Milyan Oo Dollar Wuxuuna Madaxweynuhu Balan Ku Qaaday In Lacagtaas Lasii Wadi Doono Tan Iyo Inta Reer Laascaanood Helayaan Biyo Ku Filan “

Please follow and like us:
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews