Garadagnews.com
Kartida maamul ee Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Biyaha Oo Laba Diblaysay Shaqada Iyo Shaqaalaha Wasaaradaasi iyo Sababaha Loo Cuskaday shaqo Joojintiisa.
February 9, 2019 - Written by garadag garadag

Hargaysa(GN)  Maanta Waxaa Si Rasmi ah Shaqadii Wasaarada Looga joojiyay Agaasimihii Guud ee wasaarada  Horumarinta Biyaha Somaliland kadib markii uu ku Gefay Shaqada Wasaarada Isla markaana La Sheegay inuu Laba Dibleeyey Hawl Maalmeedka Shaqo ee Qaranka Iyo Sidii Wasaaradaasi Hore Uga socon lahayd Halka ay taagan tahay tan iyo Intii Xilkaas Loo Igmaday Wasiirka Wasaarada biyaha Saleban Cali Koore Iyo Agaasimaha manta Shaqada Laga Hakiyay.

Shaqaalaha Wasaarada Biyaha Ayaa Agaasime Jamaal Cabdi Muuse ku Eedeeyey inuu Caqabad ku Yahay Wasaarada isla markaana Waxaa ay Tibaaxeen in Markasta Wasaarada Biyaha Uu Khilaafka Iyo Maamul Xumada Bilaabo Agaasimaha Guud ee Wasaaarada Loo Soo Magcaabo Waxaana ay Tan oo kale Ku Sifeeyeen inay hore uga dhacday Xukuumadii hore iyagoo kusoo Halqabsaday

Miyaan Geedi baaboo Arligu Gelinba Waayeyn.

 

 

Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Lagu Sifeeyaa inaanu Lahayn Wax Khibrad ah,isagoo Aqoontiisuna Hoosayso Halka uu sidoo kale Isku Cuno Duubay Mushaharka Iyo gunooyinka Shaqaale Weynaha Wasaarada Horumarinta biyaha Iyo Qaar ka mid ah Isku duwayaasha Gobolada Dalka

Khilaafkan oo Salka Ku Haya Wadashaqayn La’aan uu Abuuray Agaasimaha guud ee Wasaarada Biyaha Jamaal cabdi Muuse Waxaana Tiraba Shan Goor soo Laabtay Qorshayaasha Hagardaamada ah ee uu Ninkani ku Kacaayo Xili uu Isku Dayayo inuu Qaado Qorshayaal Hore uu Khilaaf Noocan oo kale ah uga abuuray Wasaarada Xiligii Madaxweyne Siilaanyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi Ina Naakhuude Iyo Wasiirkii Biyaha ee Xiligaasi Baashe Cali Jaamac oo Galaafatay Xilkii Wasiirkii Xiligaasi Kadib markii ina Naakhuude oo Ka Lib Haystay Madaxtooyadii Xiligaasi Uu Wasiirka Laaluush iyo been Abuur uu Ka Sameeyey Xilka looga Riixay.

Agaasimahan Dada Yar oo Caruur Ah ayaa La sheegayaa inuu Sidoo kale Isna ka lib Haysto qoyska Madaxtooyada Maadaama Ay Xaaskiisu tahay Sacad Muuse Isla markaana uu Qorshaynayo inuu Wasiir Koore Qorshaha Noocaasi Kula Beratamo Balse Waxaa aanu Ogayn In Xukuumada Madaxweyne Biixi ahayn Xukuumadii Siilaanyo Ee Ay talada Dalka hagayeen guurtida Aan Shaarubaha Lahayn.

Si kastaba Ha ahaatee Dhowaan ayay Ahayd Markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Khudbad Ku cadeeyey Awoodaha Wasaaradaha Qaranka isla markaana uu u Quusgooyay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xaqiijiyayna inaanu Laba Masuul U Wakiilan Wasaaradaha Balse uu Uga Wakiil yahay Wasiirka oo Keliya Waxaana Hadalka Madaxweynuhu u Dhignaa sidan “Anigu Wasaaradna Uma Dhiiban Laba Nin ee Wasiirka ayaa Wakiil uga Ah Qaranka hawlaha ay Hayso”

Ugu Danbayn Waxaa La Filayaa in Jamaal cabdi Muuse Qaado Tubtii uu Maray Agaasime cali Caliyoow Oo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaarada Warfaafinta oo isku soo Taagay Wasiirka Wasaaradaasi Guri barwaaqo Kadibna Xilka Laga Qaaday.

Please follow and like us:
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews