Garadagnews.com
“Kala Fogaanshaha Iyo Khilaafka Xisbiyadu Dan Maaha, Ee Go’aan Kama Dambays Ha Ku Heshiiyaan” Suldaanka Guud Ee Somaliland
March 16, 2019 - Written by garadag garadag

(Gar adag News-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa baaq u diray Xisbiyada Qaranka,
waxaanu ugu baaqay inay soo af jaraan is marin-waagooda ku waajahan Doorashada iyo Komishanka, waxaanu u soo
jeediyey inay ka heshiiyaan.
Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo waeysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa
sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay Xisbiyada
“Ilaa hadda go’aan kama dambays ah iyo mawqif midaysan may qaadan Xisbiyada Qaranku, kala fogaanshaha iyo khilaafka
Xisbiyadu dan maaha, ee mawqif qudha iyo go’aan kama dambays ha ku heshiiyaan, imikana inagu odhan mayno, waxaas
iyo waxaas ayuu heshiiskoodu noqonayaa, ma garan karno siday wax u dhici doonaan, laakiin wada hadalka Xibiyada khayr
inuu ku soo dhammaado, ayeynu ku rajo weynahay”.
Suldaan Maxamed mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Inagu Somaliland haddii aynu
nahay inaga ayaa calanka ula tagnay Somaliya, waxaynu rabnay iyo waxaa inagaga soo baxayna waa laba waxyaabood oo
aad u kala durugsan, cadaadis joogta ah, cabudhin, iyo cagta oo ay ina saareen, ayeynu kala kulanay Somaliya, maantana
Somaliland 30 sanno ku dhawaad ayey tahay dal jira oo xor ah,maanta dalka waxaa ugu badani waa Dhalinyarada,
Dhalinyaada Somaliland maanta maba taagaqano Somaliya, markaas haddii aynu Somaliya maanta wada hadalayno, waa
inaynu ku wada hadalnaa sidii aynu u kala ahaan lahayn mar kasta laba dal oo jaarnimo wanaagsani ka dhexeeyso, laakiin
uma wada hadlayno isku soo laabasho iyo midaw dambe, waxaana Farmaajo leeyahay cadaadis dambe, cabudhin iyo cagta
hoosteeda oo mar dambe nala galiyo diyaar uma nihin, ee jaarnimo wanaagsani ha inaga dhexeeyso, laba Wadan oo kala
gaar ah ayeynu kala nahaye”.

Please follow and like us:
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews