Garadagnews.com
Fanaanka Cabdirisaaq Anshax Oo Warbaahinta uga waramay Xadhiga Uu U Gaystay Abwaan Laabsaalax Iyo Eedaymo Lagu Oogay
August 20, 2019 - Written by garadag garadag

Fanaanka Cabdirisaaq Anshax Oo Warbaahinta uga waramay Xadhiga Uu U Gaystay Abwaan Laabsaalax Iyo Eedaymo Lagu OogayCiidamada Amaanka somaliland ayaa xalay xabsiga u taxaabay fanaanka Cabdirisaaq Anshax oo ka mid ah kooxda xidigaha geeska ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa.

Fanaan Cabdirisaaq Anshax oo khadka telefanka ugu waramay BurcoOnline ayaa sheegay in xadhigiisu ahaa sharci daro, isaga oo xusay in abwaanka Laabsaalax uu ka dambeeyey xadhigiisa.

 

Fanaanka Cabdirisaaq Anshax oo ka hadlaya xadhigiisa ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ” Waxaan aaminsanahay inaan fanaan soomaaliyeed ahay, hadaan fanaan cid ahay ama fanaan reer kaliya ahay ama fanaan cid gaar ah ahay waxaan noqon lahaa cidii aan u dhashay iyo qarankii aan ka dhashay, anigu waxan ahay fanaan dhalasho ahaan ka soo jeeda dawlada deegaanka soomaalida, somailand-na waa dalkaygii labaad oo aan magac iyo milgaba ku yeeshay, xidigaha geeska marka la yidhaa waxaan u aqaanaa xidigaha geeska Afrika waxaanan nahay dhalinyaro ku midawday fan aan reer ku dhisnayn oo ay riyadoodu midaysay.”

Sidoo kale fanaanka Cabdirisaaq Anshax ayaa sheegay in socdaalka uu Puntland ku tagay oo ka mid ahaa mid uu ku soo maray geeska Afrika waxaanu yidhi “Socdaal aan geeska Afrika marayey ayaa jiray kaas oo la yidhaa Afkaygoow qolo ma tihid, socdaalkaas markii ugu dambaysay Puntland ayaan ku tagay, waxaana jiray dhawr xafladood oo aan ka qayb galay, kaligayna maan ahayn ee fanaaniin xidigaha Geeska ka tirsan ayaa igala qayb gashay aniguna cidna maan weerarin, qaranimada somaliland-na waxba kamaan sheegin, socdaalkayga ayaana ahaa afkaygoow qolo ma tihid.”

Fanaanka Cabdirisaaq Anshax ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka uu u dhacay xadhigiisu iyo cida ka dambaysay “Hargeysa hada waxaan joogaa mudo todobaad ah, xalay goor ku beegan sadexdii iyo badhkii habeenimo waxa sadex gaadhi oo ciidan ah laygu keenay guriga xidigaha Geeska, arintaasna dawladi kamay dambayn ee shakhsi awood iyo tacadi gaar ah aniga ii sheeganaya ayaa ka dambeeyey waana Xasan Saleebaan Dhuxul, waana abwaan aan ixtiraamo oo kooxda ka tirsan.”

Fanaanka Cabdirisaq Anshax ayaa sidoo kale sheegay in abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul uu u adeegsaday awoodii gudoomiyaha kooxda xidigaha Geeska oo aanu ahayn “Gudoomiyaha kooxda xidigaha Geesku waa Maxamed Axmed Bakaal Cirro, fasaxa aan Puntland ku tagayna isaga ayaa I siiyey balse Xasan Saleebaan isaga oo awood gudoomiyenimo isticmaalaya waxa uu xalay ciidankaas iigu soo kaxeeyey isaga oo igu oogaya kiis ah inaan Puntland tagay oo aan calanka Puntland huwaday manay jirin balse anigu fanaan ayaan ahay oo madaxweynaha Puntland ayaa ii soo kacay oo calanka I saaray aniga oo heesaya oo qaadaya afkaygoow qolo ma tihid, waxaanan aaminsanahay inuu calan soomaaliyeed yahay balse hadii uu xataa ka yuhuuda ahaan lahaa wuu I saarnaan lahaa kamanaan tureen dushayda waayo waa calan ay dad ilaashanayaan.”

Dhinaca kale fanaanka Cabdirisaaq Anshax ayaa sheegay in kiiska loo xidhay iyo mid hada lagu soo daayey ay kala duwan yihiin isla markaana uu abwaanka Laabsaalax kula kacay cunsuriyad “Aniga hada ayaa lay soo daayey, kiiskii aan ku xidhnaa iyo kan laygu soo daayeyna laba kiis ayey kala ahaayeen, waxa laygu xidhay inaan Puntland tagay oo aan calankaas qaatay oo aan somaliland ka soo horjeeday hadana waxa laygu soo daayey oo aan OP-ga ugu imid kiis gacansaar ah oo macnaha ah inaan dagaal oogay, arintaasna waxa ka dambeeyeyna Xasan Dhuxul wax uu uga dan lahaa tacadiga iyo cunsurinimada uu aniga ii gaystayna waxaan aaminsanahay inay isaga sharaf daro iyo sumcad daro u ahayd mana aaminsani in Hargeysa wax laygu yeeli karo, haddii uu ii sheegtayna anigu waxaan aaminsahay inaanu Hargeysa iga xigin waxna igu yeeli Karin.”

Dhinaca kale Abwaan Laabsaalax oo aan la xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino eedaymahan uu fanaankuu jeediyey ayaanay noo suura gelin ka dib markii uu telefankiisa ka jawaabi waayey.

Please follow and like us:
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews