Garadagnews.com
Fadeexado Kasoo Ifbaxay Ujeedada Baadhistii Hanti Dhawrku Ku Sameeyay Wasaaradda Warfaafinta Iyo Shaqsi Xil Doon Ah Oo Hagayay Hawlgalkaasi.
April 6, 2019 - Written by garadag garadag

“Nin Ay Walaalo Yihiin Madaxa Kooxdii Baadhaysay Xafiisyaddda Wasaaradda Warfaafinta Oo Guclo Orod Ugu Jira Xafiiska Maamulka Iyo Lacagta Iyo Xogaha La Helayo.

Hargeysa(GN) – Ceebo iyo fadeexado hor leh ayaa ka soo ifbaxay baadhistii hanti dhawrku ku sameeyay Xafiisyadda Lacagta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana la ogaaday shaqsiyaadkii baadhistaasi dabada ka waday iyo danihii gaar ka ahaa ee ay ka lahaayeen.

Waxaa si cad u soo shaac baxay hadda uun, ujeedooyin halis badan oo ceeb iyo fadeexad ku noqonaya qaranimada Somaliland oo bahalnimo ah oo ay wadaan shaqsiyaad sheeganaya Magaca Beesha Madaxweynuhu ka soo jeedo kuwaasi hanaan kooxaysi ah hawlgalo uwada, islamarkaana hagaya Hay’addihii dhamaa ee Qaranka si ay danahooda iyo damacooda Xil-Doonimo ugu fushadaan.

 

Waxay Shaqsiyaadkani bilihii u dambeeyay gaaf wareegayeen Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Kale ee Qaranka, iyagoo raadcayn ugu jira illaha Qoyan ee dhaqaale ee lacagtu taalo si ay u qabsadaan, waxaanay bilaabeen inay marka hore hanti dhawrka iska horaysiiyaan si bahdilaad loogu sameeyo Shaqsiyaadka ama masuuliyiintii ka shaqaynayay Xafiisyadaasi.

 

Halkee ayay salka ku haysay Baadhistii lagu sameeyay Wasaaradda Warfaafinta S/Land?. Bal waxaynu ku dul istaagaynaa halka uu salka ku hayay Baadhistii lagu sameeyay Wasaaradda Warfaafinta iyo bahdilkii loo gaystay masuuliyiintii ka hawlgalayay.

 

Xogo hadda soo shaac baxay ayaa cadeeyay in baadhistii lagu sameeyay Wasaaradda Warfaafinta ay si toos ah dabada uga wadeen oo ay qayb ka ahaayeen nin lagu magacaabo Cabdilaahi Sheekh Maxamed Axmed oo ka mid ah Kooxo hayb-maala Madaxweynaha oo magaca Madaxweynaha ku maxaafsada, kaasi oo illaa imika Guclo Orod ugu jira islamarkaana ku dul wareegaya inuu la wareego Xafiiska Maamulka iyo Lacagta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana ninkan la shaqaynayay oo booskaasi baadi doono ugula jiray Nin ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Cali Bilyan oo hogaaminayay Kooxdii Hanti dhawrka ahayd ee baadhay Wasaaradda Warfaafinta.

 

Sidoo kale waxa uu adeegsaday ninkani shaqsiyaad galaangal la leh Madaxtooyadda si ay u ceebaayaan Xafiiska Lacagtay Wasaaradda Warfaafinta, islamarkaana uu hankiisa Hiil ugaga helo Dhinaca Xafiiska Madaxweynaha. Cabdilaahi sidoo kale Waxa uu ka tirsan yahay Shaqaalaha Xarunta Hanti dhawrka, sidoo kale waxa uu qandaraas ku haystaa adeegga sarifka lacagaha Mushaharooyinka iyo lacagaha kale ee Xildhibaanada Golaha Guurtida oo ay walaashii haysato Xafiiska Maamulka iyo lacagta, iyo sidoo kale xafiiska Hanti Dhawrka ee uu shaqaalaha ka yahay, oo uu walaalkii Cali Bilyan u fududeeyay oo uu isna lacagaha u sarifo, qaybta ICT-ga Xafiiskana haysto.

 

Fiiro Gaar ah:- Cabdilaahi Sheekh Maxamed Axmed waxa uu hore weerar ugu qaaday Xafiiska Maamulka iyo lacagta ee Hay’adda Wadooyinka Somaliland badhtimihii Sanadkii hore, Isaga oo wakiishanaya Kooxda dhalinyaradda ah ee Magaca Madaxweynaha ku maxaafsada ee uu ka tirsan yahay, waxaanay Maareeyaha Hay’addaasi ku khasbeen inuu xafiiska Lacagta ka eryo Siciid Jaamac Cali oo kamid ah dhallinyarada mudakarka ah ee 10-kii sanno ee ugu dambeeyay Ka hawlgalaayay hayadaha dawlada iyagoo Maareeyaha ka dhameeyay inuu ku badelo Cabdilaahi Sheekh Maxamed Axmed oo ah ninkan imikana damacu ka hayo Xafiiska Lacagta Wasaaradda Warfaafinta, Iyadoo arintaasi dhalisay buuq iyo qaylo gaadhay illaa Madaxweynaha, balse waxa arintaasi foosha xun ka horyimid oo meeshana ka saaray Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka Cabdilaahi Abokor, kaasi oo ganafka ku dhuftay magacaabistaasi uu sameeyay Meereeyaha Jidadku, taasi oo ceeb iyo fadeexad ku ahayd hanaanka Dawladnimadda iyo wada noolaanshiyaha Bulshadda.

 

Wararka qaar ayaa sheega in arintaasi xiitaa gaadhay Madaxweyaha islamarkaana uu Madaxweynuhu aad uga cadhooday arintaasi, doorkiisana uu ka qaatay arintaasi sixitaankeeda. Ugu Dambayn: Mudane Madaxweyne waxaan kaa codsanayaa oo aan kugu dhiirigalinaynaa inaad ka foojignaato inay Kooxi ku maxaafsato magacaaga oo ay masuuliyiinta dawladda ee aad Xilalka adigu u dhiibatay ugu hanjabaan inay shaqada ka eryi doonaan haddii aanay ufududayn damacooda, waxaan marlabaad kaa codsanayaa inaad dib u xasuusato Dardaarankii uu maalintii aad xilka la wareegtay ku siiyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, ee uu kaaga digay in Magacaaga qaab qabiil loo isticmaalo oo ay kooxi ama ashkhaas reerkiina kasoo jeedaa ku maxaafasato, taasi oo dhaawici doonta sharaftaada iyo milgaha aad ku dhex leedahay Somaliland.

 

Mudane Madaxweyne, Waxaa ka muuqda baadhistii Hanti dhawrku ku sameeyay Wasaaradda Warfaafinta ujeedooyin badan oo u baahan in si mugleh looga baaraan-dego. Waxaa ku lamaanaa dano shaqsi iyo dano qabiil, waxaana hadda soo shaac baxaya arimo aad u fool xun

 

Please follow and like us:
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews