Garadagnews.com
DEG:DEG-Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Shaqadii Ka Joojisay Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi Iyo Sababaha Keenay
March 11, 2019 - Written by garadag garadag

 

 

Hargaysa( Garadagnews )Wararka ay Helayso Warbaahinta Garadagnews Ayaa Xaqiijinaya in Saaka Aroornimadii Si Rasmi ah Shaqadii looga joojiyay Agaasimihii Guud ee Wasaarada Shaqada,Qoyska Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Maxamed Aadan Ilkacase

Wasiirka Wasaarada Shaqada Marwo Hinda Gaani Ayaa saaka Amar kasoo saartay Inaanu Shaqayn Karin Agaasime Ilkacase lamana Oga ilaa Hada Waxyaabaha Sababay Khilaafka iyo Shaqo Joojinta Agaasimaha Xili ay Jiraan Cabashooyin kala Danbeeyey oo Wasiirka La gaadhsiiyay isla markaana ay u gudbiyeen Shaqaale Kala duwan oo Ka cawday Agaasimaha guud oo ay ku eedeeyeen Inuu Isku Cuno Duubay Mushaharkii ay xaqa u lahaayeen Waxaana Qaar ka mid ah shaqaalahaasi oo Nala hadlay yidhaahdeen Sidan,

“ Meesha Wuxuu Ka Dhigay Xafiis Shirkadeed oo uu leeyahay miyaanay Waali Ahayn inuu Nagu yidhaahdo 6 Maalmood Baad Mushaharkaagiiba Leedahay ,Dawlad ayaanu u shaqaynaaye Shirkad ganacsi kama Shaqayno,Lacagaha Mushaharkayaga ee uu Naga goostayna Jajaban Ayuu Agaasimuhu Ku Quudiyaa oo Maalin kasta isaga Hor dhooban Xafiiskiisa,Waana Ninkii ka danbeeyey in la xidhxidho Derbijiif masaakiin ah oo Aan hargaysa Ku Haysan Hu Iyo Hoy,Fajidaasna Wasiirka ayuu La doonayay inuu u dhigo balse Wasiirku Waa tii ka dedaashay ee Soo Daysay Derbijiifkaas,Iminkana Waanu soo Dhoweynaynaa in shaqada laga Joojiyo Welibana waxaanu leenahay Madaxweyne Naga Soo Bedel Ninkan oo Xubin Shacabka u Adeegta Noo Keen “ Ayuu yidhi Mid ka mid ah Shaqaalaha Oo ka gaabsaday inuu Magaciisa Na Siiyo ” .

Dhinaca kale Waxaa Ay Shaqaalaha Wasaaradaasi Noo Tibaaxeen in Khilaaf badan oo Wasaarada kusoo Noqnoqday uu Masuuliyadiisa leeyahay Agaasime Ilkacase waxaana Ay Ka dhawaajiyeen In Mudoba Ay Wasiir Hinda Gaani Dulqaadanaysay Isla markaana Ay Isha ka Eegaysay,taasoo Ay Gaadhay inay Shaqada Wasaaradaba Faraha Uga Qaado Xubintan Balse ay iminka U Adkaysan Kari Wayday Waxyaabaha uu ku dhaqmaayo.

Ugu Danbayn maaha markii Ugu Horaysay ee Khilaaf Noocan Oo kale ahi Soo kala Dhex Galo Wasiir Iyo Agaasime Ka Tirsan Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Waxaana Loo badinayaa Xubnaha Is Khilaafa Masuuliyiintii uu Magcaabay Madaxweyne Muuse biixi Cabdi,iyagoo Ay ka horeeyeen Wasiirka Warfaafinta Iyo Agaasimihiisa Guud,Wasiirka Horumarinta Biyaha Iyo Agaasimihiisa Guud

Please follow and like us:
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews