Garadagnews.com
” Dadkii Ka Bad-Baaday Weerarka Masjidka Oo Ka Sheekeeyey Qaabkii Ay Wax Udhaceen
March 16, 2019 - Written by garadag garadag

Dadkii ka bad-baaday weerarkii arxan darrada ahaa ee lagu qadaay laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand ayaa sharraxaad ka bixiyey sidii ay u dhaceen dhacdooyinkan foosha-xun

Wellington (Burcoonline) 15.03.2019  – Dadkii ka bad-baaday weerarkii arxan darrada ahaa ee lagu qadaay laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand ayaa sharraxaad ka bixiyey sidii ay u dhaceen dhacdooyinkan foosha-xun.
Sugid iyo duco
Mid ka mid ah dadka ka bad-baaday weerarka oo dharkiisa dhiig uu ka buuxo ayaa sheegay inuu arkay ninka weerarka soo qaaday oo dadka xabadka ka tooganaaya.
Waxa uu sheegay in toogashada ay socotay qiyaastii 20 daqiiqo.
Waxaa la rumeysan yahay in 49 qof ay ku dhinteen, ayada oo dhaawaca 20 qof uu ka badan yahay.
“Waxaan ku fekaraayey in rasaasta ay ka dhammaato” ayuu yidhi.
“Waxaan sameeyey waxay ahayd inaan sugo oo duceysto, Allahayow ninkan ay rasaasta ka dhammaataa”
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi “Waxa uu yimid halkan, dhinaca ragga oo dadkii ayuu toogtay, kadibna wuxuu u gudbay qeybta dumarka, waxaan maqlayey oohinta dumarka.
“Walaalkey halkaas ayuu joogay, laakin weli ma aqaan inuu bad-qabo iyo in kale”
Qofna kama uusan tagin
Nin kale oo ka mid ah dadka ka bad-baaday weerarka ayaa sheegay in dadka ay daaqadaha jebiyeen si ay uga baxaan.
“Wuxuu billaabay inuu toogto. Qof kasta oo uu u maleeyey inuu weli nool yahay waa uu sii tooganayey” ayuu yidhi.
“Ma uusan dooneyn in qofna uu nolol ku baxsado”
Boqolaal xabbad ayaa daatay
Fariid Axmed oo isna ah nin naafo ah, balse ka bad-baaday weerarka ayaa sheegay in xaaskiiska ay ku jirtay qeybta dumarka, welina uusan ogeyn inay bad-baaday iyo in kale.
“Waxaan ka arkay markii uu soo socday barxadda masjidka, ee uu qolkeena kusoo wajahnaa, wuxuu arkay qof kale oo isna masjidka usoo socday, dhabarka ayuu ka toogtay, wuuna dilay”
“Waxaa dhulka daadsanaa rasaasta – boqolaal rasaas ah, xaqiiqdii”
Goob xasuusq
Carl Pomera oo isna dhacdan goobjoog u noqday ayaa maraayey waddada masjidka hortiisa ah, markii weerarka uu billowday, iyada oo uu la socday qof kale.
“Waxaan arkay dad noloshooda la baxsanaya”
“Waxaa kadib xigay rasaas daran-doori ah. Dadkii ayuu dhulka ku simay, waxaan arkay ayada oo uu dhabarka ka tooganayo, waxayna daadanayeen dhulka” ayuu yiri Carl.
Carl iyo saaxiibkiis ayaa dibedda masjidka ka sameeyey meel dadka lagu caawiyo.
“Waxaan ahayn lix qof oo si lama filaan ah meesha u yimid, waxaana caawineynay dadka
“Dadku waxay u oynayeen in la caawiyo. Waxaan qaadnay aabe iyo gabadhiisa oo dhaawac ah, balse ma naqaan inay bad-qabaan iyo in kale”
“Nin uu saaxiibkey caawinayey wuxuu ku naf baxay gacmihiisa kadib 30 daqiiqo
Please follow and like us:
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews